9ka ka soo hadhay 17ka

0
Saturday January 05, 2019 - 22:17:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    9ka ka soo hadhay 17ka

    Qaybta 3aad Waxa aan xabsiga dhexe ee Hargeysa ku soo arkay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 3aad Waxa aan xabsiga dhexe ee Hargeysa ku soo arkay






Waxa aan ku soo arkay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa intii aan ku xidhnaa maxaabiis 9 ah oo ka cabanaysa in ay ku joogaan muddodhaaf oo sheegay in ay dhammaysteen mudadii lagu xukumay , labo ka mida ah waxa ay ahaayeen kuwo dhul yaal ah oo loogu adeego jiifka , waxa loo haystaa waxa loogu yeedho "Argagixiso” waxa la soo xidhay sanadihii 2004 iyo 2005 , waxaana lagu kala xukumay saddex xukun, qaar waxa lagu xukumay dil, qaarna xabsi-daa’in halka qaar kalena lagu xukumay 20 sanadood . madaxweynihii hore ee  Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sanadkii 2007  cafis u fidiyey 17 maxbuus oo ay ka mid ahaayeen. Cafiskii waxa uu ka dhigay kooxdii dilka ku xukunayd 20 sano , kuwii ku xukunaa xabsi-daa’inkana waxa uu ka dhigay 15 sano , kuwii 20ka sano ku xukunaa waxa uu ka dhigay 10 sano.Markii uu cafiskii sharci noqdoya  6 ayaa ku baxay cafiskaas intuu uu joogay Madaxweyne Rayaale , 2 kalenea waxa bexeen xiligii madaxweyne Siilaanyo iyada oo la raacayo cafiskii madaxweyne Rayaale ee 2007dii , isu gayn 8 maxbuus ayaa ku baxay cafiskaas halka ay illaa hadda ku jiraan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa 9ka maxbuus ee aan halkaa ku soo arkay oo kala ah : 1-C/raxmaan Maxamuud Jaamac 2- C/raxmaan Cismaan Yuusuf 3- Daa’uud Saalax Iidle 4-Axmed Cilmi Samatar 5- Cali Muuse Maxamuud 6- Cali Maxamuud Cawaale  7- Farxaan Cabdillaahi 8- Jaamac Cabdi Ismaaciil 9- Maxamed Cali Ciise .


Maxaa 9kaa loo haystaa oo ay u bixiwaayeen?


Sanadkii 2008 markii ay qaraxyadu ka dheceen magaalada Hargeysa kaddib ayuu sheegay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin in uu ka noqday cafiskiisii , oo xukunkuna sidii hore ahaanayo marka laga reebo kuwii dilka lagu xukumay oo ka dhigay xabsi-daa’in, halkaas buu muranku ka dhashay , maxaabiista iyo qareenadoodu waxa ay ku doodayaan madaxweynuhu xaq buu u leeyahay in cafis fidiyo balse xaq uma laha in uu cafis uu fidiyey ka noqdo .



Waxa aan ku soo gabogabaynayaa oo iswaydiin mudan : 1-Hadii loo arkayey in uu madaxweyne Rayaale ka noqday cafiskiisii, muxuu madaxweyne Siilaanyo xiligiisii waraaqada cafiska Rayaale isga oo raacaya ugu sii daayey 2 ka mid ah 17kii maxbuus ? 2- Madaxweynuhu xaq ma u leeyahay in cafis uu fidiyey ka noqdo ?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip