
Shidaalka Ogaden Basin ee dhulka Soomaali Galbeed: Khatartii ugu weyneyd oo soo wajahdey Soomaalida gumeysiga ku hoos nool

Siduu Bangiga Adduunka seddax sano ka hor yidhi, waxaa go’aan ah in muddada u dhexeysa 2020-2030 macdanta iyo shidaalka la qodo looga dhigo lafdhabarta dhaqaale ee Itoobiya, oo ugu yaraan lacagta adag ay ka helaan 10 jibbaaranto. Marka, la socda in dawladaha dillaaliinta ah sida Ingiriisla, ama kuwa qoditaanka macdanta caanka ku ah oo shirkadahooda suuq-raadiska yihiin sida Kanada iyo Ostraaliya, aya lacago ku bixiyaan daraasaad iwm si ay Bangiga Adduunka iyo wasaaradda macdanta Itoobiya saameyn weyn ugu yeeshaan. Waxaan filayaa in laga dheregsan yahay dadaalka dheeraadka ah ee uu Shiinaha isna dhankiisa ka wado, illaa heer uu jidad, dhismayaal iyo tareenno maalgelin badan ku siiyey Itoobiya, beddelkeeduna yahay qandaraaska shidaalka deegaanka Soomaalida.
Waxaa inoo muuqato in tartankii wadamada shisheeyaha iyo bililiqadii kheyraadka Soomaalida uu hadda halistii ugu weyneyd ay soo foodsaartey, gaar ahaan shidaalka Ogaden Baisn. Muddo 45 sano gaareysa (1950-1995), deegaanka Soomaali Galbeed waxaa laga qoday 43 ceel oo shidaal ah, laakiin muddadaa kala badhkeed (1995-2018) ayaa waxaa laga qoday in kasii badan oo aanan heynin tirada dhabta ah. Waxaa ii suurtowday in aan helo iskuduwaha dhigaha iyo loolka (latitude and longitude coordinates) 31 ka mid ah 43 ceel ee la qodey intii u dhexeysay 1950 illaa 1995 (Muuqaal.1 & Muuqaal.2)
Muuqaalka 1
Muqaal2
Sid aka muuqato khariidada, ceelasha shidaalka ee dhibcaha guduudan ku caalaamdeysan/matalayaan ay deegaanno badan ayey ku firidhsan yihiin. Shirkadaha ceelashaas qoday waxay kala ahaayeen Sinclair Oil Corporation oo qoday 17 ceel, Tenneco Oil Exploration oo qoday 8 ceel; Soviet Petroleum Exploration Expedition (SPEE) oo qoday 16 ceel; waxaa kale oo soo raacey Hunt Oil Company iyo Gewerkschaft Elwerath oo midkiiba hal ceel qoday. Shirkadaha maraykanka ayaa 26 ka mid ah 43da ceel qodey, meesha Soofiyeetka uu 16 ceel ka qoday; halka soo hadheyna waxaa qoday shirkad Jarmal ah (Muuqaal.3).



Afargeysyada aan ku calaamadeeyey buluugga waa afkii ceelasha. Xarunta ugu weyn Jeexdin (Calub) waa sawirka ugu sarreeya bidixda (Muuqaal.5), xeradii oo keligeed ah oo la sii weyneyay iyo sawir hawada laga soo qaadey waakan hoos ka muuqda (Muuqaal.6).






Dhibaatooyinka ugu weyn hadda wuxuu heystaa reer miyiga, haseahaatee goor dhow, wuxuu aad u saameyn doonaa Soomaalida magaalooyinka deggan. Dadka xoolodhaqatada ah iyo bey’adooda dabiiciga ah waa in hadda sida ugu dhakhsaha badan loo difaaco, halgankii lagu badbaadin lahaana lagu dhawaaqaa. Banii’aadan iyo xoolohooda ka sokoow, ugaadhii iyo xayawaanadii baa xitaa la dhamynayaa!
Itoobiyaanka marka ugu horreysa dadka ayay barakiciyaan; dil, xiritaan, dhac, kufsi, iwm. Marmarka qaarkood, tuulooyin dhan baa lagubaa, sida hay’adda xuquuqul insaanka HRW raboort kusoo saareen sanadkii 2008(Muuqaal.12)
Muuqaal 12
Markaan fiiriyey khariidada halka ay kaga beeggan yihiin (Muuqaal.13) tuulooyinkaas la gubey, waxaa ii muuqday in dhamaantood agagaar shidaal laga baari lahaa ay yihiin. Sida muuqaalka hoose tilmaamayoba, tuulada Labiga(4) waxay foodda u saarantahy goobtii jabhadda ONLF ku weerartay Shiinaha iyo ciidankii Itoobiyaanka illaalada u ahaa sanadkii 2007, sida hay’adda HRW ku qortay raboortkeeda. Laasoole(2) iyo Qamuuda(3) iyagana waa agagaarka Shiinaha la siiyay oo hadda baaritaanka ka socdo.
Muuqaal.13
Kedib waxaa yimaado shirkadahii oo dhulkii oo dhan baa dhirta cagafcagaf ku majiiriyaan (Muuqaal.14) iyaga oo weligeed la darsin (environmental impact assessment) khatarta ay ku leedahay nolosha – illeen dad markii horeba loo leynayey si bilaash ah dan lagama lahee!
Muuqaal.14
Sababta ay dhulka uga tittirayaan wixii dhir iyo xaabo aheyd waxaa weeye, in ay u banneeyaan marka hore Buubuurta/gawaadhida shidaalka baadha ee loo yaqaano Vib trucks – waxaa ku rakiban qalab mowjado dhulgariir (seismic vibrator) oo lagu sii daayo dhulka si ay u cabbiraan dhulka waxa ku jira (Muuqaal.15).
Muuqaal.15
Shiinaha hadda waxay sidaa ku sameeyeen dhulka Eelelle agagaarkiisa ah, dhismo badan aad mooddo in uu u qorsheysan yahay (Muuqaal.16).
Muuqaal.16
Muuqaalkaas oo aaggiisa lasii balaariyey baa si fiican looga tusaalo qaadan karaa damaca Shiinaha hadda inta uu la’egyahay (Muuqaal.17).
Muuqaal.17
Qoraalkan 1aad waxeynu ku joojin halkan. Hadduu Illaahay yidhaahdo, qoraallada taxanaha ee danbe waxynu sii faahfaahin doonnaa shirkadaha meesha ka shaqeeya noocyahooda, dhibaatooyinka ay ummaddeena ku hayaan iyo Soomaalida ku nool Geeska Afrika gebi ahaanba waxa looga baahan yahay si ay mustaqbalkooda u badbaadiyaan.
La soco qaybta 2aad
Shidaalka Ogaden Basin ee dhulka Soomaali Galbeed: Khatartii ugu weyneyd oo soo wajahdey Soomaalida gumeysiga ku hoos nool
Qeybtii 1aad: Hordhac Shirkadda Shiinaha ee Poly-GCL ayaa maanta billaabaysay soosaarka gaaska ceelasha Elelle (Hilala). In kasta uu koobnaan doono, maadaama lagu dhaaminayo booyado ama haamaha gaaska si shirkadaha shamiintada iyo goobaha tamarta b